Muqdisho – Chelsea ayaa qoomamo ka qabin in Mohamed Salah, Kevin De Bruyne iyo Romelu Lukaku ay qeyb ka yihiin naadiyada kula loollamaya horyaalka EPL, sida uu yiri John Terry.
Naadiga Blues-ka ayaa siyaasaddeeda is-dhaafsiga xiddigaha ayaa weydiimo ku jira kadib markii saddex kamid ah xiddigaha ugu sarreeya horyaalka sanadkan ay ku lumiyeen naadiyo kale.
Salah hadda wuxuu ban-dhig fiican ka sameynayaa Liverpool, halka De Bruyne iyo Lukaku ay u kala ciyaaraan Manchester City iyo Man United.
Xiddigii hore ee Chelsea, Terry wuxuu sheegay in Blues-ka aysan ka qoomameynin luminta fursadaha ay kula soo wareegi kartay xiddigahaas waayo uma muuqan inay kooxda ka dhigi karaan mid sii adag.