Home / Caafimaad / Thailand: Saraakiisha booliiska ee buuran oo xal loo helay!

Thailand: Saraakiisha booliiska ee buuran oo xal loo helay!

Himilo FM –Xarumaha booliiska dalka Thailand ayaa u diraya saraakiisha buuran kaamam lagu yareeyo caloosha iyadoo tani qeyb ka tahay barnaamij laga fulinayo dalka oo loogu magac daray ” baabi’inta caloosha”

Kaddib tijaabo lagu guuleystay oo socotay muddo labo toddobaad ah, xarumaha booliiska Thailand ayaa saraakiisha miisaankooda culusyahay waxay u dirayaan xarun ku taalla magaalada Pak Chong si ay uga qeyb galaan dhaqdhaqaaq xooggan oo looga yareynayo caloosha.

Xarun kasta oo booliis ah waxaa laga doonayaa inay labo illaa seddex kamid ah saraakiisha culus miisaan ahaan inay soo xulaan si looga dhimo culeyska caloosha ku heyso.

Saraakiisha waxay sameyn doonaan dhaqdhaqaaqyo lagu yareynayo caloosha sida kaxeynta baaskiilka iyadoo la siinayo cunto laga fekeray.

Barnaamijkan ayaa soo jiitay dad badan kaddib markii sawirrada saraakiil miisaankooda culus yahay oo sameynayo almiito lagu faafiyay baraha bulshada.

” Waxaa jira dhibaatooyin badan haddii aad tahay sarkaal buuran,” ayuu yiri  Maj. Sornpetch Chantarak oo katirsan barnaamijkan.

Goor sii horreysay, 200 sarkaal oo cayilan ayaa ka qeyb galay barnaamijka ” baabi’inta caloosha”, waxayna natiijada noqotay mid ammaanan.

Sida lagu xusay warbixinada, saraakiisha booliiska ee culeyskooda uu dhan yahay 200 kg waxay ku guuleysteen inay dhimaan 60 Kiilo.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan