Himilo – Daafac dhexe ee kooxda PSG Thomas Meunier ayaa oggolaaday in uu ku biiro Borussia Dortmund heshiis ku kacaya £45m Milyan xagaaga.
Qandaraaska 28 jirka ee Parc des Princes ayaa dhacaya xagaaga iyada oo aan laga wada hadlin muddo kordhin laakiin laacibka ayaa u furan in uu sii joogo Paris.
Laacibka reer Belgium ayaa in muddo ah bartilmaameed u ahaa kooxda reer Jarmal isaga oo diiday in uu u dhaqaaqo PSG sannadkii 2016-ka.
Meunier ayaa kamid ah kooxda PSG ee ka reebtay Dortmund, Champions League kahor inta aan la joojin cayaaraha sabab la xiriirta caabuqa Corona. Cayaaryahanka ayaa kula biiri doono Axel Witsel iyo Thorgan Hazard garoonka Westfalenstadion.
Cayaaryahanno kale oo katirsan PSG sida Thiago Silva, Edinson Cavani iyo Layvin Kurzawa ayaa loo badinayaa inay ka tagi karaan kooxda Faransiiska iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay qandaraasyadooda.