Home / Cayaaro / Thomas Muller oo qandaraaska u kordhiyay Bayern Munich

Thomas Muller oo qandaraaska u kordhiyay Bayern Munich

Himilo – Weeraryahanka mudada dheer cayaarayay kubadda cagta ee Thomas Muller ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah oo uu kula sii joogayo kooxda Bayern Munich illaa bisha June sannadka 2023-ka.

Cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka sannadkii 2014-ka ayaa la joogay Bayern tan iyo da’diisa 10 jirka isaga oo ka soo baxay akaadeemiyadda kooxda.

Muller ayaa ka soo muuqday 500 kulan isaga oo ku guuleystay siddeed koob oo Bundesliga ah, shan koob oo ah German Cups iyo shan Super Cup-ka Jarmalka. Waxa intaa u dheer koobka Champions League sannadkii 2013-ka.

30 jirka oo lala xiriiriyay in uu ka dhaqaaqi karo kooxda ayaa dhawaan sheegay in mudnaantiisa koowaad tahay kordhinta qandaraaska uu Bayern kula joogo.

“Aniga ahaan, mudnaanta koowaad waxaa ii ah in aan qandaraaska FC Bayern kordhiyo,” ayaa laga soo xigtay laacibka reer Jarmal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan