Home / Cayaaro / Thorgan Hazard oo garoomada ka maqnaanaya toddobaadyo

Thorgan Hazard oo garoomada ka maqnaanaya toddobaadyo

Himilo –Thorgan Hazard ayaa ku  billowday labada kulan ee Borussia Dortmund ee Bundesliga tan iyo markii uu ku  biiray laakiin haatan waxaa dhaawac ka soo gaaray feeraha.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka khadka dhexe Thorgan Hazard uu seegi doono “isbuucyo badan” kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray feeraha kulankii Cologne.

Billowga wanaagsan ee ololaha Bundesliga ayay sii waday Dortmund kaddib markii ay 3-1 ku badiyeen ciyaartii jimcihii, laakiin guushan ayaa ku timid qiimo madaama Hazard uu garoonka ka saaray ciyaarta oo shan daqiiqo ka dhiman.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, oo yimid kooxda Signal Iduna Park isaga oo ka soo tagay Borussia Monchengladbach bishii May markii la sheegay in lagu iibiyay 25.5 milyan oo Euro, ayaa haatan wajahaya dhaawac mudo dheer ah oo ay u badan tahay inuusan ciyaari doonin qeyb ka mid ah isreebreebka Euro 2020 ee San Marino iyo Scotland.

Hazard ayaa ku soo billowday Dortmund labadii kulan ee ugu horreysay ee horyaalka xilli ciyaareedka wuxuuna sidoo kale ciyaaray 88 daqiiqo kulankii ay DFB-Pokal guusha ka gaartay Uerdingen.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan