Home / Arrimaha Bulshada / TikTok oo laga mamnuucayo Albenia

TikTok oo laga mamnuucayo Albenia

Himilo-Ra’iisul Wasaaraha Albania, Edi Rama, ayaa ku dhawaaqay in muddo hal sano ah dalkiisa la mamnuuci doono TikTok, isaga oo ku eedeeyay aaladda ay Shiinuhu leeyahay in ay hurinayso rabshado, kaddib markii wiil arday ah oo 14-jir ah lagu tooriyeeyay bishii la soo dhaafay, taas oo ay geysteen arday kale.

“Hal sano ayaan xiraynaa. TikTok lagama isticmaali doono gudaha Albania,” ayuu yiri Rama. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, in ay dhalinyarada ku kicinayso rabshado.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dilka wiilka dhallinyarada ah ee bishii Nofeembar uu daba socday murano taxane ah oo ku dhexmaray barta TikTok dhalinyaro kale.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Albania ayaa kordhiyay xariirka ka dhaxeeya booliska iyo waalidka ai leesaga kaashto  iskaashiga ilaalinta dugsiyada.

Dalalka Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay isticmaalka baraha bulshada ee carruurta. Dalal badan oo Midowga Yurub ka tirsan, sida Faransiiska, Jarmalka iyo Biljam, ayaa soo rogay xadid ku saabsan isticmaalka baraha bulshada ee dhallinyarada.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan