Himilo – Manchester United hoggaamiyaheeda Ole Gunnar Solskjaer waa in uu dowrka kabtannimo ka xayuubiyoaa Harry Maguire isla markaanna la siiyaa Paul Pogba, sida uu ka dhawaajiyay Tottenham tababaraheedii hore Tim Sherwood.
Maguire ayaa hoggaaminta loo magacaabay bishii January ee horraantii sannadkan kaddib markii Ashley Young uu isaga hayaamay kooxda isla markaanna uu sal dhigtay naadiga Inter Milan.
Daafaca ugu qaalisan dunida ayaa hadda ku qaadnaya fasalkisii ugu horreeyay Old Trafford wuxuuna £80million kaga soo dhaqaaqay kooxda Leicester.
Sherwood waxa uu rumeysan yahay in kabtannimada loo magacaabayo Pogba ay tahay in xiddigan Faransiiska uu nagi kusii ahaado Old Trafford.
“Waxaan ku qancin lahaa in uu sii joogo Manchester United. Waxaan aaminsannahay in ay tahay kooxda ugu weyn dunida, waxaan umalaynayaa in isagu u baahan yahay meel sarre,” ayuu Sherwood u sheegay Premier League Productions.