Home / Arrimaha Bulshada / Tirada dadka Shiinaha oo gaartay 1.4 Bilyan qofood

Tirada dadka Shiinaha oo gaartay 1.4 Bilyan qofood

Himilo – Hay’adda tirakoobyadda Shiinaha ayaa shaacisay in tirada dadka dalka gaartay 1.4 Bilyan qofood sannadkii dhammaaday ee 2019-ka, waa koror dhan 4.67 Milyan marka loo fiiriyo sannadkii 2018-ka.

Xoggaha soo baxay oo ay daabacday wakalaada wararka Shiinaha ayaa muujiyay in tirada dadka Shiinaha gaartay 1.4 Bilyan qofood.

Sida laga soo xigtay wakaalada, tirakoobka kuma aysan jirin dadka ku nool Hong Kong, Macao iyo qurba joogta Shiinaha ee dibadaha.

Sannadkii 2019-ka, ku dhawaad 14.65 cunug ayaa ku dhashay guud ahaan Shiinaha sida ku xusan tirakoobyadda.

Tan iyo sannadkii 2016-ka, Shiinaha ayaa bilaabay in uu qoysaska u oggolaado inay dhali karaan labo cunug isaga oo meesha ka saaray siyaasadda halka cunug si loola tacaalo baqdimaha ku saabsan dadka da’da fog gaaray oo tiro batay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan