Home / Arrimaha Bulshada / Tirada shacabka dalka Masar oo buuxisay 100,000,000

Tirada shacabka dalka Masar oo buuxisay 100,000,000

Himilo – Masar ayaa ku dhawaaqday in tirada shacabka dalkaasi gaartay 100 Milyan qofood. Gabar la filayay dhalashadeeda oo Yaasmiin loogu magac daray ayaa buuxisay tirada 100,000,000.

Mas’uul katirsan sanduukha QM ee dadka Masar Alexander Poderosa ayaa sheegay in dhalashada gabadha kamid noqon doonto shacab lixdii qofood ee kamid ah 10-kii qofoodba ka yaryihiin 29 sanno.

Dalal badan oo ah kuwa Afrika iyo Carabta ayaa laga soo wariyay koror dhinaca dadka ah laakiin Alexander ayaa tilmaamaya in Masar ka duwan tahay maadaama 97% shacabka dalka ku nool yihiin bad dhan 8% baaxadda dalka oo dhan.

Magaalada Qaahira ayaa wajaheysa tiradii ugu badneyd ee dad ah. 1-kii qof ee kamid ah 5-tii qofoodba ayaa ku nool magaalada caasimadda ah.

Xukuumadda Masar ayaa qorsheynaysa in xarumo badan oo wasaaradeed u wareejiso magaalo cusub marka la gaaro bisha June.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan