Home / Habka-Nolosha / Toban Kooxood ee Mushaarka Ugu Badan Bixiya Ciyaaraha Caalamka Oo Lasoo Saaray iyo Man united oo horboodaysa kooxaha kubbadda cagta.

Toban Kooxood ee Mushaarka Ugu Badan Bixiya Ciyaaraha Caalamka Oo Lasoo Saaray iyo Man united oo horboodaysa kooxaha kubbadda cagta.

Ciyaartoyda kooxda koowaad ee Manchester United ayaa la sheegay inay yihiin ciyaartoyda mushaharka ugu badan la siiyo kooxaha kubada cagta dunida

Man united ayaa ugu saraysa ra’iyi uruurin lagu sameeyay ku dhawaad 10 kun oo ciyaartoy ah oo u ciyaaraya 333 kooxood oo todobo sport oo kala duwan ah oo ka dhisan 17da horyaal ee ugu taajirsan dunida.

Taas ayaana kadhigan in Man utd ay tahay kooxda ugu badan ee kubadda cagta mushaar siisa ciyaartooy iyada oo celcelis ahaan sanadkii bixisa mushaar dhan 5.77 milyan oo gani

Ra’yi uruurintaan ay sameysay Global Sports Salary Surver GSSS, ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan ciyaartoyda horyaalka English ka inay qaataan sannadkii 2.4 milyan oo ginni, waana lacag labo mar kabadan lacagta ay qaataan ciyaartoyda ka ciyaara horyaalada waa weyn ee, Serie A La Lig iyo Bundesliga

Messi iyo Ronaldo oo ah labo ciyaartooy oo ka ciyaara horyaalka spain ee La Liga ayaa loo aqoonsaday ciyaartoyda kubada cagta ugu mushaharka badan caalamka, iyagoo qaata 18,98 milyan ginni midkiiba sannadkii taas oo lamicno ah in bishii mid waliba uu qaado lacag gaaraysa £365,000 isbuuci.

messi-back-in-full-training-after-groin-injurycristiano-ronaldo-real-madrid_1

Waxaa kusoo xiga ciyaartooyda kala ah Gareth Bale oo qaata (£18.2milyan), Hulk (£16.64milyan) and Paul Pogba (£15.1milyan)

10ka kooxood ee ugu mushaharka badan ciyaaraha caalamka seddex kooxood oo kubada cagta ayaa ku jira inta kale waa kooxo kubada Baseball, ama Kolayga.

Hadaba sidaan ayay ukala sareeyaan

  1. Cleveland Cavaliers (£6.54m)
  2. New York Yankees (£5.81m)
  3. LA Clippers (£5.78m)
  4. Manchester United (£5.77m)
  5. Barcelona (£5.64m)
  6. Portland Trail Blazers (£5.59m)
  7. Memphis Grizzlies (£5.51m)
  8. Dallas Mavericks (£5.50m)
  9. Manchester City (£5.42m)
  10. Orlando Magic (£5.38m)

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan