Himilo – Todobaadka Technolojiyada Jaamacada Muqdisho ayaa si qurux badan uga qabsoomay Muqdisho. Waxa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin khubaro dhanka tiknoolojiyadda ah, macallimiinta iyo ardayda Kuliyada Computer-ka iyo IT . Inta uu bandhiga socday waxa ka soo qeyb galayaashu dhaayaha ka qaadeen barnaamijyo tiknoolijiyadeed oo waxtar u leh bulshada.
Eng Ayuub Ibraahim Cabdi oo ah hormuudka Kuliyada Computerka iyo Technolojiyada, lahaana qaban qaabada bandhigaan ayaa daahfurka bandhigga la wadaagay martida dhinacyada diiradda lagu saarayo bandhiga sanadkaan.
Agaasimaha machadka isgaarsiinta iyo Technolojiyada Qaranka Maxamed Cabdulahi Goosaar ayaa ammaanay hal abuurka ay soo bandhigeen ardayda, waxa uuna booriyay in dhallinyarada wax baratay la siiyo fursad maaligelin si ay banaanka u keenaan hibadooda.
Maxamed Cali iyo saaxibadiisa ayaa hirgaliyay agab caawin kara dadka araga naafada ka ah, waxay nala wadaagayaan caqabadihii ay ka mareen.
Layla Axmed Cabdi waxa ay soo bandhigtay App ardayda ka caawinaya in ay ku dhiibtaan Codkooda xiliyada Doorashada.
Waa sanadkii 4aad oo uu qobsoomayo Bandhiga Todobaadka Technolojiyada ee Jaamacada Muqdisho.
Halkan ka daawo warbixinta oo muuqaal ah
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/7177278968968633