Home / Habka-Nolosha / Toni Kroos Miyuu ku Biiri Doona Barcelona ?

Toni Kroos Miyuu ku Biiri Doona Barcelona ?

Xiddiga khadka dhexe u maareeya  Kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa ka dhawaajiyay in uusan waayahiisa ciyaareed u weecin doonin kooxda Barcelona oo ay aad u xifaal tamaan kooxdiisa Real Madrid walibana uusan qiyaami doonin  taageerayaasha kooxda Real Madrid.

Waxaa jira xidigo can ah kuwaas oo u soo wada ciyaaray labada koox , sida Michael Laudrup, Luis Enrique, Luis Figo iyo Ronaldo wayne, oo dhamaantood usoo wada ciyaaray labadan kooxood ee xifaltanka saa’id-ka ah dhaxeyo laakiin Toni kroos ayaa sheegay inuusan doonaynin inuu  wadadaas oo kale qaado isla markaana uu ku hami wayn yahay inuu kabaha is kaaga siibo Sentiago Brnabeu.

“Weligay ma aaminin inaan u ciyaaro Barcelona” ayuu Kroos ugu warramay Kicker.

“Waxa jira qaar  kala wareegayada ka mid ah oo ay tahay inaadan ku dhaqaaqin, waxayna tahay inaad wax badan tixgeliso -tix geli dhaqanka kooxda iyo taageerayaashaadaba”

Kroos oo wali hadlaya ayaa yidhi “marka uu heshiiskaygu dhamaanayo da’daydu waa 32 sano mana saadilinayo inaan sii ciyaari doono 38-sano ama 39-sano”

“Real Mardid waa kooxdayda , inka badan sannad iyo badhna waxaan shakhsiyan ku koray dareenkayga ciyaaraha ee halkaan”

“Maalinkii u horraysan ee aan halkan,  imid waxaan dareen wanaagsan ka helay ciyaartoyda kooxda iyo taageeayaashaba” sidaas ayuu Kroos waraysiga ku soo id leeyayay.

Sodon iyo labo jirkaan Khadka dhexe ayaa bishii ina dhaaftay saxeexay heshiis ku eeg ilaa 2022 waxaana uu heshiiskani Sentiago Bernabeu kusii hayn doonaa ku sii hayn doonaa shanta sano iyo barka soo aadan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan