Muqdisho – Xiddiga diiradda u saaran Tottenham, Suso ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda AC Milan
Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Liverpool, Suso ayaa qandaraas cusub u saxiixay AC Milan.
23 jirkan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Tottenham Hotspur xagaagan, laakiin rajo kasta oo suuro-gal ah ee saxiixa xiddiga reer Spain ayaa haatan la jabiyay.
Suso, oo Liverpool uga soo biiray San Siro sannadkii 2015-ka, kadib markii uu ku guul-dareystay inuu boos joogta ah helo, ayaa qalinka ku duugay heshiis qandaraas soconaya ilaa 2022-ka.
“Tani had iyo jeer waa mid ka mid ah maalmaha ugu muhimsan nolosheyda,” ayuu ciyaaryahanka khadka dhexe u sheegay website-ka kooxda. “Waxaan xiray qandaraaskeyga Milan ilaa 2022, iyo waxaan la sameeyay qoyskeyga, lammaanahayga iyo wakiilkeyga kooxda ayaa iga buuxiyay dareenkooda.”
“Waxaan si gaar ah u mahad celinayaa agaasimayaasha Milan, wax walba waan u sameyn doonaa maaliyadan, sida aan mar walba sameeyay, Forza Milan, mar walba.”
Suso ayaa 50 kulan u saftay kooxda reer Talyaani.
Qore: Hanaa Maxamud Maxamud.