Home / Habka-Nolosha / Tottenham Hotspur oo Barcelona ku war galisay in uusan iib aheyn Christian Eriksen.

Tottenham Hotspur oo Barcelona ku war galisay in uusan iib aheyn Christian Eriksen.

Muqdisho -Tottenham Hotspur ayaa lagu soo warramayaa inay u sheegtay Barcelona in Christian Eriksen uusan iib aheyn qiimo kasta oo la keeno.

Kooxda reer Spain ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonto xiddiga reer Denmark, si uu  bedel ugu noqdo Philippe Coutinho, oo seddex dalab ay kasoo diiday Liverpool.

Barca ayaa weli xiiso u qabta Coutinho waxaana la rajeynayaa inay kasoo gudbiso dalab cusub bisha Janaayo, inkastoo Liverpool ay weli dooneyso inay sii haysato xiddiga reer Brazil, Paris Saint-Germain ayaana kula soo biirtay doonista laacibkan.

25 jirkaan ayaa hore u qirtay inay adkaan doonto inuu iska diido koox sida Barcelona ah, inkastoo Spurs ay meesha ka saartay suurtogalnimada ah in isga iibiyaan.

Eriksen ayaa dhaliyay seddexleey si uu uga caawiyo inay Denmark u soo baxdo Koobka Adduunka, halka uu afar gool iyo seddex caawinaad uu horay u heystay  marka loo eego Tottenham xilli ciyaareedkan dhamaan rattamada.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan