Himilo FM –Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa wada doonaya ciyaaryahanka garabka uga ciyaara AS Roma Cengiz Under.
Labada kooxood ee waqooyiga London ayaa la filayaa inay si firfircoon uga ciyaari doonaan suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo la soo jeediyay inay midkiiba haysato 40 milyan oo ginni iyo 60 milyan oo ginni si ay ugu bixiyaan kusoo iibsashada ciyaartoy cusub.
Mauricio Pochettino iyo Unai Emery ayaa doonaya inay ku xoojiyaan safkooda xiddigan , Gazzetta dello Sport ayaana sheegeysa in uu dooqa koowaad ee ay doonayaan uu yahay Under.
21 jirkan heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa dhaliyay lix gool siddeedna caawiyay 33 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Under waxa uu heystaa seddex sanno oo ka harsan qandaraaskiisa Stadio Olimpico, inkastoo Roma ay doorbideyso inay lacag kaash ah ka hesho kubadsameeyaha haddii ay helaan dalab muhiim ah.
Roma ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah in aanay Giallorossi ka ciyaari doonin Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2014-kii.