Himilo – Tottenham Hotspur ayaa u aragta weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland beddalka Harry Kane haddii uu kooxda ka tago.
Kane ayaa la tilmaamaayaa in uu ka tagayo Spurs sabab la xiriirta bandhigga aan wanaagsaneyn ee kooxda ee horyaalka Ingiriiska, Champions League iyo koobabka kale ee maxaliga ah.
Real Madrid iyo Manchester United ayaa labaduba lala xiriiriyay inay u dhaqaaqi karaan 26 jirka oo dhaliyay 17 gool 25 kulan xilli cayaareedkan kahor inta uusan dhaawac soo gaarin.
Eurosport ayaa soo warineysa in Tottenham diyaarineyso liiska cayaaryahannada beddalka u noqon kara Kane. Haaland ayaa hoggaaminaya liiskaasi.
Si kasta, Spurs ayaa wajahi karta tartan adag oo ku saabsan laacibka 19 jirka ah oo ay doonayaan kooxaha Real Madrid iyo Man United.