Muqdisho -Tottenham ayaa wajaheysa tartan marka loo fiiriyo fursadda ay dooneyso in ay kula soo saxiixato Lucas Moura ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Arbacada, sida ay qortay ESPN.
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaan weli heshiis la gelin PSG, iyadoo kooxda Faransiiska ay ku dooneyso 30 milyan oo Euro ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil, inkastoo la werinayo in ay ku heshiin karaan 25 milyan oo Eur.
Haddii heshiiska la isku afgarto, Spurs ayaa markaa u baahan doonta inay xalliso ruqsadda shaqada ee ciyaaryahanka, waxaa la filayaa in maalinta ugu danbeysa ee suuqa uu ku aadi doono hishiiskan isla markaana ay caqabad la kulmi doonto Tottenham taas oo ah waqtiga, iyadoo 11-ka pm BST ee Arbacada uu xirmi doono Suuqu.