Himilo FM –Xidiga Roma Nicolo Zaniolo ayaa bartilmaameed u ah kooxda Tottenham, sida ay qortay jariirada The Mirror.
Mauricio Pochettino ayaa doonaya inuu kooxdiisa dib u habayn ku sameeyo dhowr ciyaaryahan oo da ‘yar ah ayuu doonayaa xagaaga oo uu ku jiro 19 jirka khadka dhexe ee Talyaaniga Zaniolo.
Si kastaba ha ahaatee, tiro ka mid ah kooxaha kale ee ugu sareeya ayaa diyaar u ah inay kula dagaalamaan kooxda Champions League Final-kiisa joogta saxiixiisa.
Zaniolo ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee Rome isagoo 35 kulan u saftay kooxdiisa, lix gool ayuu shabaqa soo taabsiiyay.
Waxa uu ku kacayaa keliya 3.8 milyan ginni markii uu Roma kaga soo biiray Inter Milan billowgii xilli ciyaareedka.
Xiddiga da’da yar ayaa si deg deg ah loola xiriiriyay Real Madrid isagoo kulankiisii ugu horeeyay ee uu saftay ka hortagay Real Madrid tartanka Champions League.
Horumarkiisa waxaa lagu abaalmariyay kulankiisii ugu horreeyay ee Italy in loogu yeero oo ay la yeesheen Finland bishii March, waxaana uu heystaa labo kulan oo magaciisa lagu qoray.