Himilo FM –Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Juventus Douglas Costa xagaagan.
Costa, oo 28 sanno jir ah, ayaa keliya hal gool dhaliyay 17 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu seegay kubad caqligal ah isbuucyadii dhawaa sababo dhaawac muruqa ah.
Sida laga soo xigtay Tuttosport, Tottenham ayaa sidoo kale ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka reer South America, iyadoo kooxda Mauricio Pochettino ay rajeyneyso inay si aad ah u isticmaasho xagaaga suuqa kala iibsiga.
Costa ayaa dhaliyay 14 gool 77 kulan oo uu u saftay Bayern intii u dhaxeysay 2015 iyo 2017 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Turin.