Himilo FM –Tottenham Hotspur ayaa ku dhaw inay heshiis 25 milyan oo ginni ah kula saxiixato da’yarka Fulham Ryan Sessegnon, sida laga soo xigtay wargeysyada England.
Inkastoo finalka Champions League ay isku diyaarinayaan, Mauricio Pochettino ayaa durbadiiba bilaabay inuu la shaqeeyo guddoomiyaha naadiga Daniel Levy arrimaha ku saabsan ciyaartoyda cusub.
Daily Mail ayaa sheegaysa in Sessegnon, oo 25 kulan u saftay kooxda Fulham horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laga yaabo inuu noqdo saxiixii ugu horreeyay ee kooxda Tottenham Hotspur Stadium 18 billood gudahood.
Spurs ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay heshiiska la meel dhigto, inkastoo Paris Saint-Germain ay dhawaan xiiso u qabtay xiddigan.
Fulham ayaa 40 milyan oo ginni ku dooneysa Sessegnon, kaasoo si raaxo leh uga ciyaara boos walba oo loo xilsaarto.