Home / Cayaaro / Tottenham oo mushaar kordhin u bandhigtay Christian Eriksen

Tottenham oo mushaar kordhin u bandhigtay Christian Eriksen

Himilo -Tottenham Hotspur ayaa u soo bandhigtay dalab cusub oo ay ku dooneyso in Christian Eriksen  ay ku sii ilaashadaan iyaga oo ciyaaryahanka khadka dhexe hor dhigay heshiis cusub oo uu ku qaadanayo  200 kun oo  Ginni isbuucii.

Kooxda waqooyiga London ayaa ku guul darreysatay inay sii haysato Eriksen, kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka 2019-20-ka.

Eriksen, oo haatan qaata 80 kun ginni isbuucii, ayaa lagu soo waramayaa in la hordhigay laba jibaar  musharahkiisa, laakiin wakiilada ciyaaryahanka ayaan weli heshiis la gelin kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Tottenham ayaa qorsheyneysa inay mushaar ahaan u kordhiso Eriksen oo £ 200,000 toddobaadkii ah si ay uga hortagto inuu kaga tago kooxda suuqa xorta ah xagaaga soo aadan.

Real Madrid ayaa xiiso u qabto Dane, oo ay u aragto mid ka qiimo jaban bartilmaameedkeeda haatan Paul Pogba, iyadoo Manchester United ay diiday inay dhinto 170 Milyan ee Ginni oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe.

Barcelona iyo Juventus ayaa iyagana  soo bandhigay xiisaha ay u qabaan adeegiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan