Home / Cayaaro / Tottenham oo wali xiiseynaysa Olivier Giroud

Tottenham oo wali xiiseynaysa Olivier Giroud

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa wali xiiseynaysa saxiixa weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud.

Spurs ayaa si weyn loola xiriiriyay cayaaryahanka qaranka Faransiiska intii lagu guda jiray suuq furanka bishii Janaayo balse ma aysan wada gaarin heshiis.

Giroud ayaa dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo muddo hal sanno ah oo uu ku sii joogayo garoonka Stamford Bridge laakiin laacibka ku guuleystay koobka adduunka sannadkii 2018-ka ayaa la filayaa in uu ka tago kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Tottenham ayaa wali xiiseynaysa 33 jirka iyada oo isku dayaysa inay la wareegto suuq furanka xagaagan.

Giroud ayaa dhaliyay seddex gool 13 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan