Home / Habka-Nolosha / Tottenham oo xiisaynaysa Geoffrey Kondogbia.

Tottenham oo xiisaynaysa Geoffrey Kondogbia.

Tottenham ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Geoffrey Kondogbia, sida ay fahanmsantahay Sky Sports News.

Spurs ay ku jirta raacdada ay ku dooneyso bedelka muddada dheer ee Mousa Dembele, oo qandaraaskiisa uu dhacayo kadib18-ka bilood ee inagu soo food leh.

Waxay daawanayeen 24-sano jirkan Kondogbia, kaas oo xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya Valencia isaga oo kaga soo biiray Inter Milan qaab amaah ah.

Valencia ayaa ah kooxda Barcelona kula dagaallameysa hoggaanka horyaalka La Liga, Kondogbia ayaana qeyb ka aheyd guulaha ay gaartay Valencia sanadka.

Tottenham ayaa ka warqabtay Kondogbia tan iyo markii uu ku sugnaa Monaco, laakiin wuxuu Inter ugu biiray sannadkii 2015 heshiis lagu sheegay 30 milyan ginni.

Waxa uu saxiixay qandaraas shan sano ah, ka dibna wuxuu kusoo bilowday 43 kulan Serie A laba xilli ciyaareed, laakiin waxa loo arkay inuu yahay mid dheeri ah, marka loo fiiriyo imaanshiyaa macalinka Luciano Spalletti.

Valencia ayaa aaminsan “inay xaq u leedahay inay iibsadaan dhamaadka xilli ciyaareedka, markii ay amaahda kula soo wareegayeen ayuuna qodobkaas kamid ahaa heshiiska.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan