Home / Cayaaro / Tottenham oo xiiseynaysa Lallana

Tottenham oo xiiseynaysa Lallana

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa xiiseynaysa saxiixa khadka dhexe ee Liverpool Adam Lallana oo ay ku doonayso heshiis xur ah.

Qandaraaska 31 jirka ee Anfield ayaa ku eg dhammaadka xilli cayaareedkan xilli Jurgen Klopp uu doonayo in uu fasaxo Lallana.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa keliya ka soo muuqday 15 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah laakiin waxaa xiiseynaya kooxo badan.

Sida laga soo xigtay The Express, Spurs ayaa kula biirtay Arsenal, Leicester City, Southampton iyo West Ham United doonista Lallana oo u saftay 34 kulan Liverpool.

Cayaaryahankii hore ee Southampton ayaa dhaliyay 22 gool 178 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan