Home / Cayaaro / Traore “ Ma ahi sida Raheem Sterling.”

Traore “ Ma ahi sida Raheem Sterling.”

Himilo – Cayaaryahanka kooxda Wolves Adama Traore ayaa kahor yimid in lala barbardhigo laacibka Man City ee Raheem Sterling.

Traore ayaa ku jira bandhig wanaagsan xilli cayaareedkan isaga oo dhaliyay lix gool islamarkaana sameeyay 10 caawin ah 43 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Bandhigga 24 jirka ayaa soo jiitay kooxo badan oo horyaalka Ingiriiska ah laakiin Traore ayaa rumeysan in isbar-bar-dhigga loo dhigo si kale.

Mar la weydiiyay haddii uu jiro cayaaryahan lamid ah isaga oo ka cayaara horyaalka, laacibka Spain ee orodka badan ayaa yiri “Raheem waa macquul laakiin lama mid ahi, waa aniga oo kale.”

Sterling ayaa dhaliyay 20 gool isaga oo loo diiwaan geliyay toddobo caawin ah 39 kulan xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. buy cialis online united states Biofeedback Self Regul 1984 Dec; 9 4 459 469

  2. cialis coupons In studies, the most commonly reported side effects with RLAI use were extrapyramidal symptoms and weight gain

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan