Himilo- Daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa soo jeediyay inuu qorsheynayo inuu mustaqbalkiisa oo dhan ku qaato Anfield isagoo doonaya inuu noqdo “halyeeyga naadiga”.
21 jirka ayaa ku riyaaqay ololihi wacnaa ee 2018-19 ee kooxda Jurgen Klopp wuxuuna markale qaab ciyaareed wanaagsan ku soo qaatay kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub inta lagu gudajiro xilligan.
Xiddiga reer England ayaa ku biiriyay 10 caawin 27 kulan oo uu u saftay Reds xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan sideed caawin 18 kulan oo Premier League ah.
Alexander-Arnold ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Merseyside isagoo daaha ka qaaday inuu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan lagu xasuusto kooxda.
Waxaan mar walba doonayay inaan noqdo halyeeyga kooxda. Ku guuleysiga koobab, u ciyaarista ugu badan intii suurta gal ah, aan guuleysto kulamo, aan noqdo kabtanka, ”Alexander-Arnold ayaa u sheegay Sportbladet.
“Dabcan, ma noqon karo halyeey haddii aan ka tago Liverpool oo aan u ciyaaro meel kale. Marka, diiradeyda waa halkaa iyo inaan kooxda ka dhigo mid sida ugu macquulsan ugu guuleysata.”
Qandaraaska haatan Alexander-Arnold ee Anfield wuxuu socon doonaa ilaa xagaaga 2024.