Home / Arrimaha Bulshada / Trump oo saacadii ugu dambeyse ka gaaray shirkada Tiktok

Trump oo saacadii ugu dambeyse ka gaaray shirkada Tiktok

Himilo-Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli gudaha Mareykanka uu ka  dhaqan galay Amarka maxkamadu ay dalkaa uga mamnuucday.

TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wareysi uu siiyay telefishanka NBC ee dalkaan Mareykanka, ayuu Trump ku yiri “90 maalin oo dheeraad ah ayaan siin doono, sababtoo ah waa waxa ugu habboon. Haddii aan taasi go’aansanno waxay u badnaan doontaa inaan ku dhawaaqo.

Shirkadda TikTok oo qiyaasti ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah ka helay isticmaalka aaladdaan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan