Himilo FM –Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku wareeray oo isku khalday halka uu ku dhashay aabihii iyo awoowgii isaga oo si khaldan u sheegay in Fred Trump uu ku dhashay Jarmalka.
Isaga oo kulan la qaadanayay xoghayaha ururka NATO ayaa Trump waxa uu dib ugu laabtay taariikhda qoyskiisa xilli uu sheegay in Jarmalka loo baahan yahay inuu cadaadiska ka qaado saaxiibbadiisa NATO.
“Waxaan xushmad weyn u hayaa Angela, waxaan xushmad u hayaa dalka,” ayuu yiri Trump.
Waxa uu intaa raaciyay “Aabahay waxa uu ahaa Jarmal, sax, haa waxa uu ahaa Jarmal isaga oo ku dhashay goob cajiib ah oo ku taalla Jarmalka.”
Aabaha dhalay Trump ee Fred waxa uu ku dhashay magaalada New York City laakiin Friedrich oo ahaa awoowaha Trump ayaa ku dhashay Jarmalka.
Friedrich ayaa u qaxay New York City sannadkii 1885 isaga oo 16 jir ah kahor inta uusan u wareegin waqooyiga Mareykanka.
Khudbadaha madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore waxaa laga soo calaameeyay khaladaad badan oo ku saabsan dalal iyo taariikhdooda.