Home / Macluumaad / Trump “Waan u qalmaa abaalmarinta nobelka nabadda.”

Trump “Waan u qalmaa abaalmarinta nobelka nabadda.”

Himilo FM –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay sababo uu ku mudan yahay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda “Nobel Peace Prize.”

Sababaha uu ku muteysan karo abaalmarintan waxa uu Trump ku sheegay dadaaladiisa Waqooyi Kuuriya iyo Syria hase ahaatee waxa uu ka cowday inuusan rajeynayn in la guddoonsiiyo abaalmarinta.

Trump oo katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka, waxaana uu tilmaamay in Obama la siiyay abaalmarinta isaga oo dhowr billood xafiiska jooga.

“Siiya abaalmarinta Obama, ma ogeyn xattaa sababta loo guddoonsiiyay, maxaan sameeyay si aan u helo, ma filayo inaan helayo,” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegtay inuu badbaadiyay nolosha 3 Milyan oo qofood oo ku nool gobalka Alleppo markaasi oo Ruushka, Iiraan iyo xukuumadda Syria uga digay weerar dhaw oo ay qaadi rabeen.

Waxa uu intaa raaciyay madaxweynaha in ra’iisul wasaaraha Jabaan uu soo gaarsiiyay farriin ka kooban 5 bog oo uu ugu sharraxayo abaalmarinta nabadda ee Nobelka sababo ku qotoma dadaaladiisa wadahadalka Waqooyi Kuuriya.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaan xaqiijin farriinta uu xusay Trump ee ka timid ra’iisul wasaaraha Jabaan halka mas’uul u hadlay Tokiyo uu sheegay inaysan macluumaad ka heyn warqadda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan