Home / Arrimaha Bulshada / Turkiga oo lagu maxkamadeynayo nin laqay faraanti dhayman ah!

Turkiga oo lagu maxkamadeynayo nin laqay faraanti dhayman ah!

Himilo FM –Nin u dhashay dalka Ireland oo dhawaan laqay faraanti dhayman ah ayaa u sheegay dacwad oogayaasha  in uusan oggeyn inuu yahay qofka falkaasi sameeyay sababtoo ah buu yiri waan ku indho sarcaaday quruxda faraantiga.

Ian Campbell oo ku dalxiisayay magaalada Marmaris ee dalka Turkiga ayaa la xeray bishii October ee sannadkii hore kaddib markii uu laqay faraanti dhayman ah oo ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 40 kun oo doolar oo lagu iibinayay xarun ku taalla dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay booliiska in Campbell uu laqay faraanti markii uu xaqiiqsaday in lagu qaban karo isaga oo doonayay inuu xado.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku soo waramaysa in markii la baaray Cambell la xaqiijiyay in faraantiga dhaymanka ah uu ku jiro calooshiisa, waxayna tani u baahan tahay qaliin si looga soo saaro.

Eedeysanaha oo 54 jir ah ayaa labo maalin ku qaatay isbitaalka Marmaris isaga oo cabayay biyo badan, sameynayay socod yar iyo boodid si uu faraantiga u soo dhaafo dheefshiidkiisa.

Maamulka dalka Turkiga ayaa furay dacwad dambi loogu soo oogayo Ian Cambell, waxayna u muuqataa in dacwada ninkan loo helay marqaatiyaal badan oo xaqiijinaya inuu eedeysanaha u socday fal xatooyo ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan