Home / Macluumaad / Tuug kaxeystay gaari ilmo bilo jira uu saarnaa oo la baadi goobayo

Tuug kaxeystay gaari ilmo bilo jira uu saarnaa oo la baadi goobayo

Arrintan ayaa timid goortii haweeney 27 jir ah ay gaarigeeda saddex irridlaha ah uga tagtay goob gawaarida la dhigo oo ku taal wadada Kempe Road ee magaalada London.

Gaariga ayayna haweeneyda uga tagtay abaare 12.45 pm xilli ay saarnaayeen gabar 12 jir ah iyo wiil 11 bilood uun ifka jooga.

Ninka tuuga ah ayaa gaariga soo koray kaxeystana, sida boolisku sheegeen iyadoo gabadhii yareyd ay maareysay sidii ay gaariga uga degi laheyd, wiilkuse uu ku haray halkaa.

Danbi baarayaasha ayaana inyar kaddib xaqiijiyay in inankii yaraa laga helay isagoon dhib qabin illinka hore ee guri ku yaal Guinevere Gardens.

Mar danbe ayayna ciidanka boolisku ka heleen gaarigii oo looga tegay wadada Coopers Walk, xilli aanay cidi saarneyn.

Booliska ayaana dalbanaya in ciddii xog ka heshaa ninka falkan geystay ay la soo xiriiraan lanbarka wicidda degdegga, iyadoo ilaa iminka ay boolisku tuhun awgii ay hal nin ku dabajoogaan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan