Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Europe ee Uefa ayaa weydiistay garsoorihii ciyaartii Saville iyo Roma in uu soo gudbiyo warbixinta la xiriirta Jose si tallaabo looga qaado.
Macallinka ayaa lagu eedeeyay in uu ciyaarta kaddib Garsoorayaasha uga hortagay meesha Gawaarida lagu meeleeyo iyada oo aan la ogeyn waxa dhex maray.
Uefa,waxaa ay GarsooreAnthony Taylor weydiisatay in uu warbixinta siiyo si ay go’aan uga gaaraan Jose oo xitaa inta ciyaarta socotay dhaqan xumo sameynayay.
Roma ayaa gool ku laad looga qaaday finalkii 6aad ee Mourinho,waxaana Savilla ay qaadday finalkeedii todobaad oo xiriir ah.