Himilo- 21 jir u dhashay dalka Uganda ayay maxkamad ku xukuntay inuu faafiyay hadallo naceyb ah. Maxkamada oo ku taal magaalada Kambala ee caasimada dalkaa ayaa ninkan ku eedeyse in uu barta Tiktok-ga ku faafiye hadalo ka dhan ah madaxweyne dalkaa Yoweri Museveni.
Emmanuel Nabugodi ayaa qirtay dambiga waxaana lagu sii hayn doonaa xabsiga ugu caansan ilaa Isniinta, markaasoo la xukumi doono.
Dacwad oogayaasha ayaa la sheegay in ay dalbanayaan in lagu xukumo 7 sano oo xarig ah.
Muddo laba maalmood gudahood ah Nabugodi waxa uu noqonayaa qofkii afraad ee isticmaala TikTok oo xabsiga lagu sii hayo isagoo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Museveni ama saaxiibadiisa.