Home / Caafimaad / Ukunta oo laga soo calaameeyay xog caafimaad oo halis ah

Ukunta oo laga soo calaameeyay xog caafimaad oo halis ah

Himilo FM –Daraasad cusub ayaa xog ka tilmaamtay isticmaalka badan ee ukunta iyo kororka Cholesterol-ka dhiigga iyo cudurrada ku dhaca wadnaha ee sababi kara dhimasho.

Baaritaanka oo lagu daabacay wargeyska “Wall Street Journal” ayaa tilmaamay in 300 mg oo cholesterol ah uu horseed u noqon karo khatarta cudurrada wadnaha.

Natiijooyinka daraasada ayaa muujiyay in 17% dadka ka qeyb galay baaritaanka oo gaaray 30 kun oo qofood in lagu arkay fursado u bandhigi kara cudurrada wadnaha halka 18% dadkaasi u dhinteen wadno xanuun.

Ukunta ayaa ka kooban xadiyo fara badan oo ah Cholesterol, waxaana qofka oo qaata ukun badan uu kala kulmi karaa khataro caafimaad oo ay hadda ka digayaan xeeldheerayaasha caafimaadka.

Waxay timid natiijadan kaddib markii si ballaaran loo baaray hab dhaqanka cunto iyo caafimaad ee ku dhawaad 30 Kun oo qofood oo ka qeyb galay baaritaanka socday muddo sannado ah.

Daraasada ayaa xiriir ka dhaxeysiisay cunista 3 illaa 4 ukun toddobaadkii iyo khatarta cudurrada wadnaha 6%

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan