Home / Arrimaha Bulshada / Ukuntii ugu qaalisaneed aduunka oo lagu kala iibsaday $2700

Ukuntii ugu qaalisaneed aduunka oo lagu kala iibsaday $2700

Himilo – Hooyo waayeel ah ayaa timid goob laga dhisaye masjid oo ka agdhawaa gurigeeda, Guddigii gacanta ku haye dhismaha Masjid la rabay in laga dhiso deegaankeeda ayay u keentay xabad ukun ah  si ay ugu darsado dhismaha Masjidka.

Qiimaha halkii xabbo oo ukun ah waa 8 RS oo lacagta India ah. Laakiin Ilaahay ayaa doonay inuu adduunyada ku barbaariyo qiimaheeda heer lagu iibsaday adduun dhan Rs 226,350, oo u dhiganta $2700.

Guddiga ayaa xabbadaas ukunta dhex dhigay ganacsatada maalqabeennada ah si ay qiimigeeda kor ugu dhigaan, waxaana hadba qof ku iibsanayay lacag ka badan qiimaha qofka kale ilaa ay ka gaartay qiimaheeda Rs 226,350.

Hooyadan deeqsiga ah ayaa guri cariish ah waxay kula nooshahay inankeeda. Balse warka ku saabsan deeqsinimadeeda markii uu qabsaday xaafadda, waxaa loo kala tartamay sidii looga iibsan lahaa ukunta. Gacmo badan ayay isku martay ilaa markii dambe uu iibsaday ninkii ugu lacagta badnaa.

Danish Bhat waa ninkii fikradda iibinta ukunta suuqa soo geliyay. Waana ilaa hadda qiimihii ugu sarreeyey abid ee lagu kala iibsado xabbad ukun ah!

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan