Home / Dhaqaale / UNESCO oo Afurka kamid dhigaysa bandhig dhaqameedyada Aadanaha.

UNESCO oo Afurka kamid dhigaysa bandhig dhaqameedyada Aadanaha.

Himilo-Hey’adda UNESCO ayaa si rasmi ah waxay afurka bisha Ramadaan ugu aqoonsatay kulan diimeed qeyb ka ah is-dhexgalka bulshada iyo wax wada qeybsiga.

Afurku waa cunnada la cuno marka gabbalku dumo ama qorraxdu dhacdo inta lagu jiro 30-ka maalmood ee bisha Soonqaad. Waxayna hadda UNESCO u tirsanaysaa astaan kamid ah astaamaha muujinaya wadajirka iyo walaalnimada insaanka.

Hindisaha aqoonsiga Afurka waxaa hey’adda u bandhigay dalalka Iran, Turkey, Azerbaijan, iyo Uzbekistan, sida lagu qoray bogga mareegta QM.

Afurka wuxu kasoo horreeya Maqribka, waxaana uu kulmiyaa xubnaha qoyska oo dhan oo kuwa qaangaaray intooda badan ay meel kaliya wax ku wada cunaan.

Bisha Ramadan ayaa la filayaa inay dhalato March 12, 2024.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan