Himilo – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in in ka badan 11 milyan oo qof ay halis ugu jiraan inay lumiyaan gargaarkii degdegga ahaa ee ay ku tiirsanaayeen sanadkan, kadib markii si weyn loo jaray taageerada dhaqaale ee deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Mareykanka.
UNHCR ayaa sheegay in tiradani ay dhiganayso saddex meelood meel dadka ay caadi ahaan taageerto. Sanadkii hore, hay’addu waxay caawisay 36 milyan oo qof oo ku kala nool 135 dal, balse tiradaas ayaa hadda hoos u dhac weyn ku imaan doonta.
Goobaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka jirto waxaa ka mid ah xuduudda Chad iyo Sudan, halkaas oo 12 milyan oo qof oo reer Sudan ah ay u qaxeen tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee socday saddexda sano. Xerada Iridimi ee bariga Chad, qaxootigu waxay sheegeen nolol aad u adag oo aan lahayn hoy, sariiro, iyo biyo nadiif ah, iyadoo carruurtu ay khasab ku noqotay inay cabaan biyo wasakh ah oo harooyinka iyo balliyada laga helo.
Jean-Paul Habamungu Samvura, oo ah maareeyaha goboleed ee UNHCR, ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay mid aan hore loo arag intii uu ku jiray ku dhowaad 27 sano oo waayo-aragnimo ah howlaha gargaarka Afrika iyo Aasiya.
Xerada qaxootiga ee Iridimi ayaa hoy u ah ku dhowaad 80,000 oo qof, balse hay’adaha samafalka ayaa sheegay in gargaar aad u kooban oo keliya la hayo. Isbitaalka xeryaha oo leh hal dhakhtar oo kaliya ayaa la daalaa dhacaya cudurro iyo bukaano soo badanaya, iyadoo dawooyinkii ay ka dhammaadeen.
UNHCR ayaa sheegtay in sannadkan kaliya ay heleen 23% maalgelintii loo baahnaa, taas oo ku qasabtay inay hoos u dhigaan barnaamijyadii gargaarka, iyadoo sida caadada ahayd haweenka iyo carruurtu ay yihiin kuwa ugu daran ee dhibaatadu saameyso.