Home / Caruurta / UNICEF: 14 milyan oo carruur ah oo halis ugu jira nafaqo-darro daran

UNICEF: 14 milyan oo carruur ah oo halis ugu jira nafaqo-darro daran

Himilo – Qiyaastii 14 milyan oo carruur ah ayaa wajahaya khatar weyn oo ah inay waayaan taageerada iyo adeegyada nafaqada, sababo la xiriira hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah, sida lagu sheegay falanqeyn hordhac ah oo UNICEF ay soo bandhigtay intii lagu jiray shirkii Nutrition for Growth ee Paris.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli baahi ballaaran loo qabo taageero, iyadoo carruurtu ay la daalaa dhacayaan barakac, colaado daba dheeraaday, cudurro dillaacay, iyo saameynta cimilada isbeddeleysa—oo dhammaan carqaladeynaya helitaankooda nafaqo ku filan.

“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan horumar la taaban karo ka gaaray yaraynta nafaqo-xumada carruurta adduunka,” ayay tiri Agaasimaha UNICEF Catherine Russell. “Laakiin go’aannada la xiriira jarista maalgelinta waxay khatar gelinayaan nolosha malaayiin carruur ah.”

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhalan kara waxaa ka mid ah:

  • In ka badan 2.4 milyan oo carruur ah oo qaba nafaqo-darro daran ayaa laga yaabaa inaysan helin daawada RUTF sanadka 2025.

  • Ilaa 2,300 xarumo caafimaad oo lagu daaweeyo carruurta nafaqo-darrada daran ayaa khatar ugu jira in la xiro.

  • 28,000 xarumo bukaan-socod ah oo UNICEF taageerto ayaa wajaha suurtogalnimada in la xiro.

Xitaa ka hor inta aan la jarin maalgelinta, tirada haweenka uurka leh, naas-nuujiyeyaasha iyo gabdhaha dhallinyarada ah ee wajahaya nafaqo-xumo waxay korodhay 25% tan iyo 2020.

UNICEF waxay ugu baaqday dawladaha iyo deeq-bixiyeyaasha inay mudnaanta siiyaan maalgelinta caafimaadka iyo nafaqada, si loo badbaadiyo nolosha carruurta.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan