Home / Arrimaha Bulshada / UNICEF: 400 kun oo cunug oo dhalan doona maalmaha ugu horreeya 2019

UNICEF: 400 kun oo cunug oo dhalan doona maalmaha ugu horreeya 2019


Himilo FM – Hay’adda UNICEF ee u qaabilsan QM arrimaha carruurta ayaa shaacisay inay dhalan doonaan 395 kun oo cunug caalamka oo dhan maalmaha ugu horreeya ee sanadka 2019-ka.

Carruurta ugu badan waxay ku dhalan doonaan koonfurta Asia, waxaana la filayaa in Hindiya noqoto dalka ugu badan oo ay carruur ku dhashaan maalmaha ugu horreeya sanadka iyadoo uu dalkaasi qaabilayo ku dhawaad 70 kun oo cunug.

Warbixinta UNICEF waxay xustay in 45 kun oo cunug inay ku dhalan doonaan dalka Shiinaha billowga sanadkan halka Nigeria oo Afrika ah la qiyaasay inay qaabili doonto 26 kun oo dhalasho.

Hay’adda qaabilsan carruurta ee UNICEF waxay tilmaamtay in carruurta dhalan doonta inaysan heli doonin daryeelka caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Tirakoobyo sanadkii 2017 ayaa muujiyay in ku dhawaaad hal milyan oo carruur ah inay dhinteen isla maalintii ay dhasheen halka 2.5 Milyan ay geeriyoodeen bil gudaheed.

Hay’adda QM ee UNICEF waxay ku baaqday in la hagaajiyo daryeelka hooyooyinka iyo carruurta ku jira dhalashada cusub islamarkaana la fududeeyo fursadda ay ku heli karaan biyo nadiif ah, koronto iyo dawo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan