Himilo Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in ilaa 80,000 oo carruur ah oo ku nool Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ay si weyn ugu jiraan khatarta Daacuun, xilli roobab xooggan ay ka billowdeen gobolka.
Hay’adda carruurta ee UNICEF ayaa ku sheegtay war-saxaafadeed Arbacadii in faafitaanka cudurka ee dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Nigeria uu sare u qaaday khatarta gudbinta xuduudaha ee Daacuun, taasoo halis gelinaysa dalal daris la ah.
Sida ay sheegtay UNICEF, Congo ayaa ah dalka ugu daran ee ay dhibaatadu ka jirto, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 38,000 oo kiis ah iyo 951 dhimasho ah bishii Luulyo oo keliya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaana laga helay 25.6% kiisaskaas.
Dalalka kale ee la tacaalaya cudurkan waxaa ka mid ah: Chad, Congo-Brazzaville, Ghana, Ivory Coast iyo Togo.
UNICEF waxay sheegtay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo xoojiyo dadaallada lagu joojinayo faafitaanka cudurka oo halis gelinaya nolosha carruurta gobolka. Carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ayaa si gaar ah ugu nugul cudurka, sababo la xiriira nadaafad xumo, biyo wasakhaysan, iyo nuglaanshahooda oo keenaysa fuuq bax daran.
UNICEF ayaa sheegtay in $20 milyan ay u baahan tahay si ay saddexda bilood ee soo socda ugu xoojiso ka falcelinteeda degdegga ah ee cudurka Daacuun ee guud ahaan gobolka.