UNICEF: Ku dhowaad kala bar carruurta adduunka ayaa wajahaya halis uga imaanaysa cimilada

Himilo – Hay’adda UNICEF ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in ku dhowaad 1.1 bilyan oo carruur ah, oo u dhiganta kala bar carruurta dunida, ay hadda la nool yihiin ugu yaraan saddex khatarood oo cimilo ah oo is dul saaran, kuwaas oo halis ku ah caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo badbaadadooda.
Warbixinta ayaa muujisay in ku dhowaad ilmo kasta oo dunida ku nool uu wajahayo ugu yaraan hal khatar oo cimilada la xiriirta, halka in ka badan 4 milyan oo carruur ah ay la kulmi karaan ilaa lix khatarood oo isku mar ah.
UNICEF ayaa sheegtay in isku darka ugu badan ee khataraha carruurta saameeya ay yihiin abaar, iyo kuleyl daran, iyadoo in ka badan 296 milyan oo carruur ah ay ku nool yihiin deegaano ay saddexdan ka jiraan.
Warbixintu waxay xustay in xitaa dalalka hodanka ah aysan ka badbaadin saameyntan. Tusaale ahaan, in ka badan 6 milyan oo carruur ah oo ku nool Talyaaniga ayaa la kulma abaaro iyo hirar kulayl oo daba dheeraada.
UNICEF waxay sidoo kale sheegtay in wasakhowga hawada uu saameeyo ku dhowaad dhammaan carruurta dunida, halka 1 bilyan oo carruur ah ay ku nool yihiin meelo uu cudurka duumadu (malaria) halis ka yahay, taasoo sii kordhinaysa khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Warbixintu waxay tilmaantay in carruurta ku nool dalalka nugul ee adeegyada aasaasiga ah ay liitaan, sida Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Jaad, ay si gaar ah ugu adag tahay inay la qabsadaan ama ka soo kabtaan masiibooyinka cimilada.
error: Copy lama Ogola Fadlan