Himilo -Manchester United iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Mario Lemina, sida laga soo xigtay PA.
Iyagoo kala soo saxiixday labo sanno ka hor Juventus, 25 jirkan ayaa u muuqda inuu ka tagayo St Mary xagaagan .
Iyadoo ay ka mid yihiin United iyo Arsenal, Leicester ayaa sidoo kale muujisay xiisaha ay u qabto Lemina, inkastoo seddexda naadi ee Premier League aysan wali ka kulmin qiimaha ay dalbanayso kooxda Southampton.
Saints ayaa 17 milyan oo Euro oo u dhiganta 15.6 Milyan oo gini kaga soo qaadatay xiddiga Gabon Juve, iyagoo ku dareen seddex Milyan Euro oo dheeri ah.
Kooxda ayaa ugu yaraan dooneysa inay lacagtaas dib u helaan iyaga oo doonaya inay lacag kaash ah ka helaan Lemina, kaasoo aan lagu soo darin 26-ka ciyaaryahan ee Southampton ee tababarka xilli ciyaareedka ku qaadanaya Austria.
Ciyaaryahankii hore ee Marseille ayaa 52 kulan u saftay Saints dhammaan tartamada, inkastoo keliya seddex ka mid ah ay ahaayeen sanadkan 2019.