Home / Habka-Nolosha / United-ka oo quus kaga dhow tiigsiga afarta ugu sarreysa horyaalka PL

United-ka oo quus kaga dhow tiigsiga afarta ugu sarreysa horyaalka PL

Muqdisho – Waxaa ceel guntii kusii socota rajada ay kooxda Manchester United ka qabtay kamid ahaanshaha afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Enland PL.

Kadibkii kulankii ay gurigeeda 0-0 kula dhaafi wayday kooxda martida u ahayd ee Hull City, wiilasha macalin Jose Mourinho uma muuqdaan kuwo dadaalkii ay ku bixiyeen tiigsiga afarta sare wali ku guuleysan kara.

Waloow ay ciyaartoYda kooxdu bandhig fiican ay ka sameeyeen garoonka Old Trafford, hadana waa un iyaga kuwo sdioo kale qaadanaya natiijada ay kala soo noqdeen bandhigga fiican ee ay muujiyeen.

Macalin Mourinho ayaa la arkayay isaga oo kadib gabagabada ciyaarta muujnaya dareen aan farxad lagu dheehin.

United-ka ayaa booska lixaad kaga jirta kala horreynta horyaalka England PL.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan