Home / Habka-Nolosha / United oo fasaxday Ibrahimovic.

United oo fasaxday Ibrahimovic.

Muqdisho – Horyaalka Premier League  ayaa xaqiijiyay in laacibka Zlatan Ibrahimovic ay fasaxday kooxda Manchester United.

Xiddiga Sweden ayaa dhaawac soo gaaray kulankii  Anderlecht ee afar-dhamaadka koobka Europe League, wuxuuna lumiyay 10-kii kulan ee ugu danbeeyey.

Goal ayaa soo werisay in macalin Jose uu fasaxay laacibka Ibrahimovic xilli uu 28 gool u dhaliyay naadiga xagaagii dhamaaday taniyo markii uu kaga yimid kooxda PSG.

United-ka ayaa doorbidaysay inay sanad dheeri ku ah ku kordhiso heshiiskiisa – in kasta oo dhaawaca ku yimid uu sababay in kooxdu go’aan kale ka qaadato.

Ibrahimovic walow uu maray qaliin la mahdiyay, hadana waxay qaadanaysaa bilo inuu dib ugu soo laabto naadiga.

Mourinho ayaa isla xilligaa go’aansaday inuu sugo soo kabsashada laacibkan, waxayna badal ku raadinaya xagaaga soo aadan booskiisa.

Alva Morata ayay u badan tahay inuu kusoo biiro – tiiyoo Chelsea ayaa dhalaalisay damaca kaga aadan Romelo Lukaku.

24-jirkan ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid kadib markii uu ku dhacay helidda boos joogto ah, waxaana isagana daneynaysa kooxda AC Milan.

Wakiilka Ibrahimovic, Mino Raiola ayaa soo jeediyay in laacibkani ay u badan tahay inuu ku negaado horyaalka PL – isaga oo kamid noqon kara mid kamid ah kooxaha ay loolamaan United-ka.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan