Muqdisho – Weeraryahanka Manchester United, Romelu Lukaku ayaa dhaawac uu ka soo gaaray canqowga waxaana uu shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Bosnia iyo Cyprus.
Weeraryahanka joogtada ah wuxuu awoodi waayay inuu tababarka la qaato dalkiisa Isniinta, laakiin baaritaan ayaa sheega inuusan wax dhibaato ah oo wayn uusan ka qabin canqowga.
Manchester United ayaa lagu soo dhaweyn doonaa inay maqasho in baaritaan lagu sameeyo Romelu Lukaku oo canqawga waxyeelo ka soo gaartay wax jab ah ama waxyeelo kale oo darini ma jiraan.
Weeraryahanka qaab ciyaareedka quruxoon ku jira, oo 11 gool ka dhaliyay 10 kulan tan iyo markii uu Unitedka ugu soo biiray 75 milyan ginni xagaagii, ayaa ka maqnaa xulkiisa qaranka Belgium.
Wuxuu awoodi waayay inuu tababarka la qaato dalkiisa Isniinta, isaga oo dhaliyey cabsi laga qabo in uu dhaawac ka soo gaaro.
Belgium ayaa si dhakhso ah ku dhawaaqday in 24-jirkan uu tijaabo baaritaano dheeri ah mari doono, waxaana ay soo bandhigeen arrin wanaagsan oo ku saabsan baaritaanada caafimaad.
War saxaafadeed ay soo saartay kooxda qaranka ayaa lagu yiri: “Romelu Lukaku waxaa lagu sameeyay baaritaan MRI laakiin ma jiro wax jab ah ama waxyeelo kale.
“Maalmaha soo socda wuxuu raaci doonaa barnaamijka tababarka shakhsiyadeed, laakiin si kastaba ha ahaatee waa xilli hore in la sheego inuusan ciyaari doonin kulanka Bosnia iyo Cyprus.”
Beljam maaha in uu ciyaaro ilaa Sabtida, marka ay ku kulmaan isreebreebka Koobka Adduunka ee Bosnia and Herzegovina. Kadibna waxay u egtahay in ay wajihi doonaan Cyprus 10ka Oktoobar.
Lukaku ayaan u baahneyn kooxda Roberto Martinez ee tartankaan,
United waxay dooneysaa inay hubiso in nin muhiim ah uu ku soo laabto iyaga oo diyaar u ah inuu si toos ah dib ugu soo laabto line-upkooda.
Jose Mourinho ayaa durbaba isku dayaya la tacaalida xaalka Paul Pogba, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee 89 milyan oo ginni uu meesha ka saaray inuu muddo dheer maqnaan doono.
Unitedka ayaa laga yaabaa inay sameeyaan iyagoo aan kasoo kabsan dhaawacyo kale madaama ay ku soo laaban doonaan horyaalka 14 bisha October ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool.
Iyadoo Belgium ay diidan tahay in Lukaku uu ka soo baxo kulamadooda soo socda, tayaa soo jeedin doonta in nasasho la siiyo loo baahan yahay si uu u helo weeraryahankan awood si uu u xajisto islamarkaana uu diyaar u noqdo inuu mar kale hogaamiyo.
Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.