Muqdisho – Milkiile shirkad ganacsi ayaa amray in farta laga jaro mid kamid ah shaqaalihiisa oo lagu eedeeyey inuu tuuganimo kula kacay shirkaddiisa, marka loo eego booliska gobalka Massachusetts.
Booliska Fall River ayaa sheegay inay xireen 51-jir lagu magacaabo Donna Silvia, oo ah milkiilaha shirkadda Columbia Towing kadib markii lagu helay inay amartay in farta laga jaro mid kamid ah shaqaalaheeda.
Silvia ayaa lagu helay ciqaab qofeed iyo adeegsiga agab halis ah oo lagu jiray farta shaqaalaha. Waxaa lagu riday inay 10-sano xabsiga ku qaadato kadib markii xer-beegtidu isku raacday.
Marka loo eego baaritaanka bileyska, Silvia ayaa ku eedeysay mid kamid ah shaqaalaheeda xatooyanimo. Waxay amartay inuu qirto eedeynta lagu hayo – tiiyoo isugu diidanaa inuu galay wax danbi ah.
Markii uu ninku diiday amarkeeda, nin kale ayaa bir gacan-goyso ah ku jaray mid kamid ah faraha ninka ay Silvia danbiga ku heysatay. Farta dhibanaha ayaa gebigeed burburtay.
Silvia ayaa hadana amartay inuu booliska ku yiraahdo fartayda waxay iiga go’day si shil ah oo uusan ganacsigeeda ku larin dhibta ku dhacday. Seyga Silvia iyo laba kale ayaa iyaguna lagu riday xukun fudud maadaama ay qeyb ka noqdeen cadaadinta dhibanaha.
Soars, oo isna ahaa ninkii jaray farta dhibanaha, ayaa lagu riday xukun gaaraya 10-15 sanadood.