Home / Habka-Nolosha / Van Gaal oo ka dhawaajiyay in kooxdiisu xiiseyneyso saxiixa Ibrahimovic

Van Gaal oo ka dhawaajiyay in kooxdiisu xiiseyneyso saxiixa Ibrahimovic

Manchester United ayaa u dhaqaaqi doonta beegsiga saxiixa Ibrahimovic dhammaadka xagaaga, sida uu ka dhawaajiyay macallin Louis Van Gaal oo kooxdaa tababara.

Zlatan Ibrahimovic oo 34 jir ah ayaa qandaraaska uu kula joogo PSG uu dhici doonaa dhamaadka xagaaga, waxaana si weyn loola xiriirinayaa inuu ku biiri doono dhowr kooxood oo Premie League ka dhisan oo Manchester United ay ka mid tahay.

Van Gaal ayaa maanta shaaciyay in kooxdiisu ay xiiseyneyso inay ku guuleysato saxiixa hogaamiyaha qaranka Sweden, Ibra qudhiisu wuu muujiyay xiisaha uu u qabo ka dheelista horyaalka Ingiriiska.

“Waa lama rumeystaan waxa uu sameynayo,” Manchester Evening News ayaa ka soo xigatay Van Gaal wuxuuna macallinku sii yiri “Waxaan daawaday kulankii Manchester City ay ka horyimaadeen, niyad jab weyn ayayna ii tahay sababtoo ah waxay aheyd inuu ugu yaraan labo gool dhaliyo.”

Van Gaal ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo in Old Trafford uu keeno xiddigan hore u soo maray kooxaha Barcelona, AC Milan, Inter, Juventus iyo Ajax.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan