Home / Cayaaro / Varane oo ku qancinaya mid ka mida xiddigaha PSG ku biirida Real Madrid

Varane oo ku qancinaya mid ka mida xiddigaha PSG ku biirida Real Madrid

Himilo- Daafaca Raphael Varane ayaa soo jeediyay inuu ka dhaadhiciyo weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe inuu mustaqbalka ku biiro Real Madrid.

Inkasta oo Mbappe si joogta ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo Bernabeu, PSG ayaan u badneyn inay ka fiirsato iibka xagaaga soo socda haddii aysan helin dalab rikoorka adduunka ah.

Si kastaba ha noqotee, qandaraaska Mbappe ayaa waxaa ka harsan seddex sanno, Varane wuxuu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu arko ninka ay isku dalka yihiin oo ku soo biiraya La Liga.

Daafaca dhexe ayaa u sheegay Le Figaro “Waxaan marwalba ka doonayaa Mbappe kooxdeyda – ha ahaato xulka qaranka ama xitaa kooxdeyda. Waan ogahay dhammaan astaamaha uu leeyahay, waa ciyaaryahan weyn.”

“Waxa uu ku qaadan doonaa xilli ciyaareedkan Paris laakiin garan mayno waxa dhici doona mustaqbalka. Real Madrid, keliya waxaan leeyahay waxyaabo fiican oo aan isaga uga sheegi karo, laakiin waa uu ogyahay ayuu hadalkiisa sii raaciyay.”

Mbappe ayaa la heli waayay habeenkii Arbacada iyadoo PSG ay 3-0 kaga talaabsatay Real kulan ka tirsanaa Champions League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan