Xidiga reer Isbeyn ee Lucas Vazquez ayaa waxa uu heshiis cusub oo socon doona ilaa 2021-ka waxa uu la galay Real Madrid, Sidaa waxaa xaqiijiyey war ka soo baxay horyaalka Yurub.
25 jirkan ayaa bilowgii heshiiskiisa damacsanaa inuu ku jaan gooyo sanadka 2020-ka bisha Juun, Balse Madrid ayaa ku dhawaaqday in uu aqbalay ballaarinta heshiiskiisa kooxda.
“Real Madrid C. F. iyo Lucas Vazquez waxa ay isku raaceen dheereynta heshiiska ciyaaryahan, kaasi oo kooxda la sii jooji doona shanta sanado ee soo socota,” war kooban ayaa sidaa lagu sheegay.
Vazquez ayaa dib ugu soo laabtay Santiago Bernabeu isagoo ka yimid Espanyol sanadkii 2015-kii ka dib markii Madrid ay dib u soo iibsatay weeraryahankaan.
Waxa uu ku soo bilawday ciyaaraha 10 kulan xilli ciyaareedkii 2015–2016, waxa uuna dhaliyay 4 gool 25 kulan oo uu ka soo muuqday garoonka, halka xilli ciyaareedkaan uu ku soo bilowday hal kulan sideed kulan oo ay kooxdiisa dheeshay.