Home / Cayaaro / Verratti “Haddii aan 10 jeer ciyaari laheyn sagaal waan garaaci lahaa Man Utd.”

Verratti “Haddii aan 10 jeer ciyaari laheyn sagaal waan garaaci lahaa Man Utd.”

Himilo FM –Xiddiga Paris Saint-Germain ee Marco Verratti ayaa rumeysan in guuldarradii kasoo gaartay Manchester United ay aheyd mid dhif ah isaga oo sheegay in sagaal jeer ay garaaci lahaayeen haddii ay 10 kulan ciyaari lahaayeen.

Kaddib lugta koowaad ee 16-ka Champions League ay 2-0 kaga adkaadeen Old Trafford, PSG ayaa awoodi weyday inay sameyso wax wanaagsan, Red Devils ayaa heysatay fursad aad u yar marka loo eego natiijada 2-0.

Laakiin United ayaa sameysay wax lala yaabay kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen garoonka Parc Des Princes. Romelu Lukaku ayaa laba gool dhaliyey halka Marcus Rashford uu goolka guusha ku ansixiyey gool-ku-laad lagu abaal mariyey, taasi oo noqotay mid kamid ah soo laabashadii ugu fiicneyd taariikhda UEFA Champions League.

“ Jamaahiirtu waxay ka niyad jabeen ka haritaanka tartanka, Wwaan ku kalsoonahay kooxdan, Kulankaan, Haddii aan ciyaari laheyn 10 jeer sagaal waan badin laheyn,” ayuu yiri Verratti

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan